Waxtar ayaad adigu keeni kartaa

Marka aad deggan tahay daar guryo dabaq ah, waxaa laga yaabaa in aad mararka qaar dareento in xaaladda deriskaagu aanay aad u fiicnayn.

Badanaa, waxaa laga yaabaa in aadan garanayn cidda aad kala xiriiri karto walaacyada aad ka qabto rabshadda dhex marta dadka xiriir ku wada jira, saboolnimada aad iyo aad u daran, xadgudubka loo geysto carruurta, ku xadgudubka mukhaadaraadka ama dembifalka. Maadaama ay xaaladahani caadi ahaan ka dhacaan guryaha dhexdooda oo aanan la arki karin, waxaa annaga nalooga baahan yahay dareen badnaan, maadaama aan annaguba aadame nahay. Xasuuso in uusan qofna wax walba xallin karin, laakiin dadka oo dhani ay wax samayn karaan – ha ka baqin in aad walaacaaga muujiso.

Waxtar keeniddu kama dhigna in si dhab ah dagaal loo dhex galo. Waxay ka dhigan tahay in lagu fal sameeyo beerjileec iyo daryeel. Waxaa loo baahan karaa in albaab la garaaco, ama fal wadajir loola qaado deriska marka badbaado iyo taageero loo baahan yahay. Ama waxaad u baahan kartaa in aad booliiska wacdo marka ay timaaddo xaalad degdeg ah ama halis leh.

Salabostäder waxay macluumaadkan u bixinaysaa si ay adiga kaaga caawiso in aad fahanto cidda aad ula tagi karto walaacyadaada, iyo sida aad waxtar u keeni karto, maadaama aad adiguba aadame tahay. Macluumaadka xiriirka ee halkan ku qoran ayaa waxtar yeelan kara.

Dhexgalkaaga ama waxqabadkaaga ayaa waxtar keeni kara.

Xadgudubka loo geysto carruurta ee lagu tuhunsan yahay?

Adeegyada bulsheed – qaybta carruurta iyo dhallinyarada si aad uga warbixiso walaacyada aad ka qabto carruurta.
0224 – 74 96 20

BRIS (Xuquuqda Carruurtu ku leeyihiin Mujtamaca dhexdiisa) khadka xiriirka carruurta.
116 11

BRIS (Xuquuqda Carruurtu ku leeyihiin Mujtamaca dhexdiisa) ee dadka qaangaarka ah ee ilme ka walaac qaba.
077 – 150 50 50

Socialjouren (Adeegga degdegga ah ee hawlwadeennada bulsheed) ayaa marwalba lala xiriiri karaa oo loo mari karaa booliiska marka xaalad degdeg ahi ay timaaddo ama saacadaha uusan xafiisku furnayn.
112 (xaaladaha degdegga ah) ama 114 14

Miyaad ku tuhunsan tahay cudurka maskaxda, ku xadgudubka mukhaadaraadka ama saboolnimada aad iyo aad u daran?

Adeegyada bulsheed – qaybta qaangaarka si aad talo u hesho, uga warbixiso walaacyadaada, ama uga hadasho ku xadgudubka mukhaadaraadka ama rabshadda.
0224 – 74 96 30

Adeegyada bulsheed – qaybta gargaarka ee loogu talagalay talada iyo su’aalaha ku saabsan shakhsiyaadka waayeelka ah.
0224 – 74 90 69

Miyaad ka cabsi qabtaa rabshadda dhex marta dadka xiriir ku wada jira?

Booliiska 112 (xaaladaha degdegga ah) ama 114 14

Adeegyada bulsheed – qaybta qaangaarka 0224 – 74 96 30

Hoysiinta Haweenka ee Sala
0224 – 182 89
072 – 568 19 93
sala@roks.se

Somaya – hoysiinta haweenka iyo gabdhaha – taageero luqado badan lagu heli karo.
020 – 81 82 83
kvinnojouren@somaya.se

Khadka caawinta Haweenka ee Qaran si loo helo talo iyo macluumaad
020 – 50 50 50

Taageerada Dhibbanaha Iswiidhan
116 006

“Dooro in aad joojiso” – khadka telefoonka qaran ee qarsoodiga ah, haddii aad halis ugu jirto in aad waxyeellayso ehelkaaga
020 – 55 56 66

Xadgudubka loo geysto xayawaanka

Khadka xiriirka Guddiga Maamulka Degmada
010 – 224 96 00

Tycker du att innehållet är bra?

Ge oss feedback så att vi kan göra vår information bättre.